ENG: FAISAL ALI XUSSEN (WARAABE=UCID)
UCID. XISBIGA CADDAALADDA IYO DARYEELKA

  • Faysal ali warabe wxuu dhashay  sannadkii 1948 waxayna isku da yuhuun muuse bixi cabdi
  • Faysal wuxuu ku dhashay magaalada hargeysa


Waxbarashadiisii H/DHEXE wuxuuku qaatey hargaysa dugsiga sarena magaalada boorame iskuulkii camuud. 


 sannadahi 1960_1968 dii wuxuu u waregay magaalada muqdisho halkaas oo ka galay jaamacadda lafoole qayba tababarka macalimiinta.

1973 wuxuu shahaadada koowaad ka kazoo qaatey jaamacadda lenangrad ee carriga ruushka isagoo bartey cilmiga engineering ka

Kadib faysal wxuu dalka dib ugu soo laabtey 1974 tii isaga oo islamarkaaba noqday agaasimihii wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta ee gobolada bay iyo bakool isagoona xilkaas hayey illaa iyo 1976 dii


1976 dii ilaa 1981 wuxuu ahaa agaasimihi waaxda qorshaynta ee wasaarada hawlaha guud.

1981 illaa 1984 wuxuu faysal noqday gudoomiyihii engineerada ee magaalada muqdisho.
Wixii ka danbeeyey burburkii Somalia faysal kama qayb qaadan marnaba jabhadayntii snm
1984 tii ayuu u baxay waddanka finlad halkaas oo uu kasii watey waxbarashadiisii illaa uuu ka gaadhay shahaadada labaad ee master ka wuxuuna wax ka bartey jaamacadda helsink ee waddankaas.
Faysal wuxuu haystaa dhalashda finish ka
Wuxuuna ku hadli karaa 5luuqado  ARABIC,SOMALI,ENGLISH,FINISH,IYO RUSSIAN.

Sannadihii sagaaashamadkii ayuu faysal dib ugu soo laabtey waddanka wuxuu ka  qayb qaatey heshiisiinti beelaha Somaliland isagoo noqdayba afhayeenkii shirkii boorame.


Intii aanu ka iman carriga finland faysal wuxuu noqday xubin firfircoon oo ku dhexjirta bulshada soomlaida ee Europe

1.    Wuxuu aas aasey shirkadda dhismaha ee AYAAN construction company.

2.    aasey ururkii ucid badhtamihii 2001 dii

3.    Faysal waxaa alagu tilmaamaa nin run badan oo an ka gabban waxa taagan isla waqti walba


4.    Waxaana uu faysal xidhiidh dhow la leeyahay siyaasad ahmed siilanyo isagoo inta badan dhexdhexaad iska taaga arrimaha siyaasada dalka faysal waxaa uu kale oo ka qayb galay laba doorasho ee Somaliland k dhacay isago  doorashadii ugu horreysay helay 16% codadkii la dhiibtey sidaana uu ku noqday xisbiga sadexaad ee JSL.

5.    Faysal wuxuu si wayn u taagera dadka masaakiinta ah wuxuuna saaxib dhow la yahay dadkaas


6.    Faysal wuxuu si wayn uga soo horjeestaa arrimaha soomaliya isagoo kula taliya inay iiyagu hagaajistaan waxooda
7.    Faysal wuxuu marwalba ka qayb qaataa ururinta qaadhaanka abaaraha iyo waddooyinka

8.    Faysal wuxuu aas aasay ururka jaaliyada reer JSL ee Europe isagoo noqday gudoomiye


9.    Faysal wuxuu marwalba ku ahaa mucaarad dawlad ina riyaale eek a talinaysay waddanka 10 sano
10.                       Wuxuu sidoo kale la midowbay xisbigii kulmiye doorashadii ugu horreysay eek a qayb galoba


11.                       Faysal wuxuu ka qayb galay 2 doorasho hase ahaatee muu guuleysan


12.                       Wuxuu kaloo faysal ahaa mid marwalba si fiican u aqbala goaanada doorashada

13.                       Wuxuu marwalba difaacaa qadiyada Somaliland

14.                       Wuxuu ka qayb qaatey sidii gobolada bari u heli lahayen  xaqoodii


15.                       Wuxuu sidoo kale qabanqaabiye iyo xubin firfircoon ka yahay iminka wadahadalada khaatumo

16.                       Wuxuu kaloo  ballan qaaday inuu musharrax madaxweyne ku xigeen siin doono dadka dega gobolada bari


17.                       Waxaa la dootrey faysal 2016 dhammadkiisii inuu ahaado musharax madaxweyne xisbiga ucid


AFEEF:::Faysal kuwani waa guulihiisa waxaanna idiin soo gudbin doonaa fashilkiisa iyo guuldarrooyinkiisa oo xaqiiqa ah , haddii aan ammaanay iyo haddi aanan amaaninba ma ihi mid iska qoray qoraalkan balse taarikhda ayaa sidaa ii sheegtay.