saaka wuu faraxsanayahay oo wuxuu usoo kallahayaa inuu shaqo fiican helayo laakin nasiib darro isagu wuxuu sitaa shahaadada jaamacada qaybta labaad ee master ka: oo siduu u nasiib daran yahay hadduuba sito shahaadada labaad ee jaamacadda bal adba is waydii.
markuu soo gaadhay halkii lagula ballamay ayaa gacanta la qabtay waxaana la geeyey midkamid ah xafiisyadii loogu talogalay in uu kula kulmo ama lagula kulnasiiyo ninka meesha haysta .
wuu u galay isaga iyo adeerkiis oo markaas wada socda.
oo wax walba ma sidoodiibaa markay xafiiskii galeen ayay u sheegeen wixii ay rabeen kadibna ninkii xafiiska haystay ayaa ka codsaday inay sheegaan ama u sheegan magaalada ay ka yimaadeen, ismaba luline waa u sheegeen kadibna wuxuu ka codsaday in cid deegaankooda ah oo meesha joogta ama dowlada u shaqeeysaa ay jirto , sidoo kale iyadana way uga jawaabeen .
intaas kadib ayay ka codsadeen inay u sheegaan cidda ay yihiin micnaha qolada ay yihiin !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! cajiib
halkaas markay marayeen ayuu odaygii u sheegay cidda ay yihiin intaasna waxaa xigay in ninkii xafiiska haystay uu u sheegay in faylka ama tiradii shaqo qaadashada ee reerkooda loogu talogalay ay dhammaatay,..............
lasoco........
Aragti xor ah oo qabyaaladda xor ka ah ayaan kula jeclahay

0 Comments