War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Badalay Masuuliyiin Ka Mid Ah Xukuumadiisa



 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4933/072017          uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle.







MADAXWEYNUHU:
 
Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiiru-Dawlayaasha Wasaaraddaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Iyo Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 




 Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 
1. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiirudawlaha Biyaha)



2. In Mudane, Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.



 ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL.







































Aragti xor ah oo qabyaaladda xor ka ah ayaan kula jeclahay

Post a Comment

0 Comments