QAABABKA UGU FUDUD EE LACAG LAGAGA SAMEEYO INTERNETKA... Qaybta koowaad.

QAABABKA UGU FUDUD EE LACAG LAGAGA SAMEEYO INTERNETKA... Qaybta koowaad. 



Qof kasta oo nool qarnigan 21 aad, isla markaana dhalinyaro ah oo wax uun uga baxsan yahay waayaha aduunka iyo isbedelka technology ee dunidan sida xawliga ah uga socda wuxuu dareensan yahay in ay jiraan tabo iyo xeelado badan oo qofka u sahlaya in uu ka shaqaysto internetka gudihiisa, isaga oo aan u baahnayn in uu aado goob shaqo ama xafiis.

Haddaba akhriste waxaan halkan kuugu soo koobayaa tabo iyo xeelado kooban oo aad lacag uga samayn karto isticmaalka internetka adigoo aan u baahnayn in aad lacag ku bilowdo ama u baahan lacag aad u yar oo u dhiganta ta shaaha aad ku cabto bil walba si aad lacag badan u samayso.

Ugu horreyn kusoo dhowoow bogeennan, guud ahaan bogan waxaan kuugu soo gudbin doona xog ku saabsan sidii aad u samayn lahayd dhaqaale iyo lacag kuu horseedda in aad ka maaranto cid shaqo aad waydiisato.

  • Bal kawarran, ma u malaynaysaa in aan anigu lacag ka samaynayo haddeer qoraalkan aad akhrisanayso? Haa sidaas fudud! 
  • Ma u malaynaysaa in xayeysiiska kaasoo dhexgalaya qoraalkan aad akhriyeyso markasta oo aad taabato aan anigu lacag ka helayo iyada oo aanay wax dhib ah adiga kaasoo gaadhin! 🤔 Haa sidaas fudud weeye saaxiib😁. 

Saaxiib akhriste, waxaan halkan kuugu soo gudbin doonaa qaabab fudud oo aan u baahnayn in aad lacag ku bilowdo si aad lacag u samayso. 

Qoraalkan waxaan kuugu sharrixi doona sida aad lacag uga samayn lahayd:

  1. GOOGLE ADSENSE 
  2. AFFILIATE MARKETING PROGRAM 
  3. INVESTING CRYPTO CURRENCY. 

Saaxiib akhriste, saddexan hab ee aan kor ku xusay waa hababka ugu fudud ee aad lacag ku samayn karto adigo aan u baahnayn in aad lacago badan ama waqti badan gelisid. 

Haddaba markan waxaan dul istaagaynaa qodobka koowaad ee sare ku xusan waa "GOOGLE ADSENSE ". aan kuu sharraxo sidii aad lacag uga samayn lahayd google adsense, soo dhowoow, koob shaah ah soo qaado, qalinkaaga soo dhoweyso, degananaanna muuji yaanay lacagta uun kuu muuqan😄. 

Qodobka koowaad: uma baahnid in aad lacag ku bilowdo Google adsense si aad lacag u samayso!. 

Waa kuwan tabaha iyo qaababka looga shaqaysto google adsense :




WAA MAXAY GOOGLE ADSENSE? 


Google adsense waa qaybta xayeysiiska ee lacagta laga sameeyo shirkadda Google, waxaa lacag lagaga sameeyaa dhowr qaab, waxaana ugu caansan:
  1. YouTube monitizion
  2. Site adsense 
YouTube lacagta sameeyo waa qayb kamid ah Google adsense, sidoo kale website ama blog ayaad lacag fiican kaga samayn kartaa google adsense. 

Google adsense waxaad ka samayn kartaa lacag aad u badan haddii aad la timaaddo dedaal iyo shaqo, ma jirto lacag si fudud u timaaddaa😄. 

MAXAAD U BAAHANTAHAY SI AAD GOOGLE ADSENSE LACAG UGA SAMAYSO? 

  • Mobile ama laptop, internet iyo dedaal. 
  • Ka go'naansho in aad doonayso in aad lacag samayso. 
  • Gmail , Website ama blog (samaysashada blog waa bilaash) halkan ka daawo sida loo samaysto blog oo aan sharraxayo muddo 4 sano kahor ah) https://youtube.com/playlist?list=PL1qMzifChSJA5mDEN4gsuF4awu6Kb8IoJ
  • In aad Google adsense ka samaysato account. 
  • 5.In aad ku xidho xayeysiiska google websitekaaga (casharro muuqaal ah ayaan ka samayn doonaa) 
  • Kadib marka aad samayso intaas waxaa kuu xigta in uu helo websitekaagu dad soo booqda "traffic visitors" 
  • Fiiri sawirkan hoose, haddii ay bogaaga soo booqdaan dad gaadhaya 50k, waxaa laga yaabaa sanadkii in aad samayso lacag 3kun ah. 

  • Way kala duwan yihiin guud ahaanba qaababka ay Google adsense lacagta ugu bixyaan qofku waxa uu soo gudbinayo. 

Saaxiib, wax badan kaama xigaan in aad lacag ka samayso google adsense. 

Akhriste, Intan oo faahfaahsan oo muuqaal ah halkan ayaan markale soo gelin doonaa, xidhiidhso websiteka si ay kuugu soo dhacaan wixii cusub. 

Daawo muuqaalkan kooban ee aan ku dul marayo inta aad lacag ka samayn karto google adsense 👍


Post a Comment

0 Comments