waa Maansada
Gogol dhig waxay la hadlaysaa siyaasiyiinta maanta s.land ka jirta
waxayna maansadu afkooda ku hadlaysaa dhamaan dhalinta somalind
Waxayna soo baxday
15.2.2017
Waxaan ahay dhashii
Ay dhaleen kuwii
Dhiigooda shubay
Waxaan ahay dhashii
Ay dhaleen kuwii
Dhiidhiyay markii
Dhidar iyo dhurwaa
Dhulka qaybsadeen
Waxaan ahay dhashii
Aan dhoomo iyo
Dhul is raacsan iyo
Daawlad dhaaban arag
Waxaan ahay dhashii
Sabankii dhaciyo
Dhiig daadiskiyo
Dhuuni raadsigiyo
Dhibaatadu baf tidhi
Ee waqooyi dhigay
Inay dhinac maraan
Dhulka qaarka kale
Dhalatee timee
Nabad dhay ku dhamay
Waxaan dhalashadii
Dhaygii bilaa
Sanad dib uga dhacay
dhoolkii la helay
Caano dhay ah iyo
Dhabeel gaariyiyo
Aabo dhiiran baa
I dheg dhawrayoo
Sharaf baan dhigay
Kula dheefsadoo
Ceeb iyo dheg xumo
Weli ima bud dhigin
Aqoon baan dhigtoo
Wax kastaan dhugtoo
Waxaan ahay dhabeel
Dhaqankii ku sugan
Ha yeeshee dhib iyo
Waxaa dhacay
dheg xumo
Dhiiri geliyihii aabahay
Dhabaad wuxuu dhiirado
Suugaan dhidboo
Qori dhabarka iyo
Dhinacyda sudhoo
Si uu aayo dhaba
Ani iigu dhigo
Dhulka daafacaba
Isagoon hal dhay
Dheefteeda cunin
Ayuu cudur ku dhacay
Dhawr sano iyo toban
Sariir Dhiibsan buu
Dhinaciisu yaal
Ha yeeshee dhibtiyo
Dhereguba arlada
Waaa loo dhashoo
Dhimashaa jirtee
Waxaan weli dhugtaa
Siduu dhoobadiyo
Dhulkan aan dul naal
Dhacadiidka iyo
Dhamacada ugu maray
Mar waxaan dhugtaa
Kuwii dherega iyo
Hadhka dhoofka iyo
Dhulka kale ka yimi
Sida ay dhulkii
Inatay kala dhurteen
Maal uu nin dhaqay
Sida dhuf gafaner
Ugu dhuugayaan
Hadal iyo dhamaan
Weedh iyo dhigeed
Waxaan ahay dhashii
Ragii soo dhintee
Dar u dhiidhiyee
Dar u dhiig baxee
Dar u dhabar jabee
Dar u jiifo dhinac
Dhiga aabahay
Maan dhigan qadiyad
Sharci layma dhigin
Ma aqaan dhulkani
Dheeftisa iyo waxaa
Iga dhul yaal
Ma aqaan dhawaan
Ubadkaan dhalee
Dhabarkayga jira
Dhaxal aan u dhigo
Ma dhaadani dastuur
Xeer layma dhigin
Dhulka iyo dadkana
Dhegta waxaan maqlaa
Dal loo soo dhisiyo
Dawlad dhaaban iyo
Dad islaam ku dhaqan
Baan ku dhaadana
Misna dhaqan xun iyo
Dawlad maxas dhacdiyo
Diin la dhaafay iyo
Dan Yar dheelmatiyo
Dhal tahriibtay iyo
Dayac baan dhugtaa
Dhudhunkayga yaal
Waxaan dhaadanahy
Oo aan cod dheer
Ku dhawaaqayaa
Aduunyada dhashiyo
Maalkiyo dhulkaa
Laysku dhaafsanyee
Kuwan dheregta iyo
Dhaldhalaalka iyo
Dhuuni qaatayee
Dhulka iibsadee
Danyar dhaawacee
Agoomaha dhacee
Ifka dhaansadee
Aakhiro dhigoow
Hada dhaadanaw
Qodaxdaad dhigtaa
Waa dhaxal u taal
Ubadkaad dhashiyo
Cidhibtaada dhaw
Ama jiilka dheer
Maansadan dhanbalay
Aan soo dhidboo
Dhuuxyada xidhee
Mar hadanaan dhugan
Soomaali dhiman
Goortay dhamayd
Mar hadanaan dhugan
Dhacdiid dhul iyo
Dhiif iyo dagaal
Wixii laysku dhigay
Iminkana dhacdadu
Dhamcdoo tagtoo
Shantii dhoomo QAAD
Midba meel ka dhacay
Dhanbalkaan jiree
Ku dhex noolaheen
Dhulka ugu jeclahay
Dheef kuma qabee
Dherigii shidmee
Dhididee gubtee
Laba dhinac ka karay
Dhalintuu noqdee
Dhalandhool fog iyo
Dhaqan guura iyo
Inaan furo dhufays
Lagu soo dhugtamo
Oo cadaw i dhuro
Dawladaan dhiseen
Codka dhiibayee
Dhabarka i hudhaay
Adigaa i dhigay
Daraygaa dhafaran
Inta anan dhiman
En nacab i dhaqan
Lay dhaafsan shilin
Urugadu i dhibin
Dhimirkaygu tegin
Dawladaan dhistaay
Dhaliil haw arkine
Hadalkaan ku dhehay
Waa dhawaaq ka yimi
Dhashaadad dhigtee
Dhugan waydayee
Uu dhalay dan jire
Qaranka u dhintoo
Badh u dhaawacmee
Xadhig dhuujiyiyo
Adoon jeel dhex dhigin
Sharci aanu dhigan
Uga dhigan daliil
Ilmahaaga dhugo
Waxa dhalan rogoo
U dhay boogahoo
Xaquuqdiisa dhiib
Maryama Xurmo Aadan Yuusuf
Ay dhaleen kuwii
Dhiigooda shubay
Waxaan ahay dhashii
Ay dhaleen kuwii
Dhiidhiyay markii
Dhidar iyo dhurwaa
Dhulka qaybsadeen
Waxaan ahay dhashii
Aan dhoomo iyo
Dhul is raacsan iyo
Daawlad dhaaban arag
Waxaan ahay dhashii
Sabankii dhaciyo
Dhiig daadiskiyo
Dhuuni raadsigiyo
Dhibaatadu baf tidhi
Ee waqooyi dhigay
Inay dhinac maraan
Dhulka qaarka kale
Dhalatee timee
Nabad dhay ku dhamay
Waxaan dhalashadii
Dhaygii bilaa
Sanad dib uga dhacay
dhoolkii la helay
Caano dhay ah iyo
Dhabeel gaariyiyo
Aabo dhiiran baa
I dheg dhawrayoo
Sharaf baan dhigay
Kula dheefsadoo
Ceeb iyo dheg xumo
Weli ima bud dhigin
Aqoon baan dhigtoo
Wax kastaan dhugtoo
Waxaan ahay dhabeel
Dhaqankii ku sugan
Ha yeeshee dhib iyo
Waxaa dhacay
dheg xumo
Dhiiri geliyihii aabahay
Dhabaad wuxuu dhiirado
Suugaan dhidboo
Qori dhabarka iyo
Dhinacyda sudhoo
Si uu aayo dhaba
Ani iigu dhigo
Dhulka daafacaba
Isagoon hal dhay
Dheefteeda cunin
Ayuu cudur ku dhacay
Dhawr sano iyo toban
Sariir Dhiibsan buu
Dhinaciisu yaal
Ha yeeshee dhibtiyo
Dhereguba arlada
Waaa loo dhashoo
Dhimashaa jirtee
Waxaan weli dhugtaa
Siduu dhoobadiyo
Dhulkan aan dul naal
Dhacadiidka iyo
Dhamacada ugu maray
Mar waxaan dhugtaa
Kuwii dherega iyo
Hadhka dhoofka iyo
Dhulka kale ka yimi
Sida ay dhulkii
Inatay kala dhurteen
Maal uu nin dhaqay
Sida dhuf gafaner
Ugu dhuugayaan
Hadal iyo dhamaan
Weedh iyo dhigeed
Waxaan ahay dhashii
Ragii soo dhintee
Dar u dhiidhiyee
Dar u dhiig baxee
Dar u dhabar jabee
Dar u jiifo dhinac
Dhiga aabahay
Maan dhigan qadiyad
Sharci layma dhigin
Ma aqaan dhulkani
Dheeftisa iyo waxaa
Iga dhul yaal
Ma aqaan dhawaan
Ubadkaan dhalee
Dhabarkayga jira
Dhaxal aan u dhigo
Ma dhaadani dastuur
Xeer layma dhigin
Dhulka iyo dadkana
Dhegta waxaan maqlaa
Dal loo soo dhisiyo
Dawlad dhaaban iyo
Dad islaam ku dhaqan
Baan ku dhaadana
Misna dhaqan xun iyo
Dawlad maxas dhacdiyo
Diin la dhaafay iyo
Dan Yar dheelmatiyo
Dhal tahriibtay iyo
Dayac baan dhugtaa
Dhudhunkayga yaal
Waxaan dhaadanahy
Oo aan cod dheer
Ku dhawaaqayaa
Aduunyada dhashiyo
Maalkiyo dhulkaa
Laysku dhaafsanyee
Kuwan dheregta iyo
Dhaldhalaalka iyo
Dhuuni qaatayee
Dhulka iibsadee
Danyar dhaawacee
Agoomaha dhacee
Ifka dhaansadee
Aakhiro dhigoow
Hada dhaadanaw
Qodaxdaad dhigtaa
Waa dhaxal u taal
Ubadkaad dhashiyo
Cidhibtaada dhaw
Ama jiilka dheer
Maansadan dhanbalay
Aan soo dhidboo
Dhuuxyada xidhee
Mar hadanaan dhugan
Soomaali dhiman
Goortay dhamayd
Mar hadanaan dhugan
Dhacdiid dhul iyo
Dhiif iyo dagaal
Wixii laysku dhigay
Iminkana dhacdadu
Dhamcdoo tagtoo
Shantii dhoomo QAAD
Midba meel ka dhacay
Dhanbalkaan jiree
Ku dhex noolaheen
Dhulka ugu jeclahay
Dheef kuma qabee
Dherigii shidmee
Dhididee gubtee
Laba dhinac ka karay
Dhalintuu noqdee
Dhalandhool fog iyo
Dhaqan guura iyo
Inaan furo dhufays
Lagu soo dhugtamo
Oo cadaw i dhuro
Dawladaan dhiseen
Codka dhiibayee
Dhabarka i hudhaay
Adigaa i dhigay
Daraygaa dhafaran
Inta anan dhiman
En nacab i dhaqan
Lay dhaafsan shilin
Urugadu i dhibin
Dhimirkaygu tegin
Dawladaan dhistaay
Dhaliil haw arkine
Hadalkaan ku dhehay
Waa dhawaaq ka yimi
Dhashaadad dhigtee
Dhugan waydayee
Uu dhalay dan jire
Qaranka u dhintoo
Badh u dhaawacmee
Xadhig dhuujiyiyo
Adoon jeel dhex dhigin
Sharci aanu dhigan
Uga dhigan daliil
Ilmahaaga dhugo
Waxa dhalan rogoo
U dhay boogahoo
Xaquuqdiisa dhiib
Maryama Xurmo Aadan Yuusuf

0 Comments