Dagaaladda Tiknoolajiyada & Fayras-ta cusub ee WannaCry (Oohin ma rabtaa):
Dagaalada dannaha ku salaysan ee dunnidu ma ahan kaliya kuwo hub culus & siyaasado qabow la isku garaacaayo. Tiknoolajiyaddu waxay ka tahay qayb ta koowaad hadda dagaaladda socda. Cid dirawalinaysaba waxaa hadda soo baxay VIRUS la loodin kari laayahay oo mid saamayntiisa oo kale lihi uusan waayadan iman, si xawli ah ayuu u faafayaa.
Virus tan cusub waxaa la aaminsan yahay in ay isticmaalayso barnaamij ay samaysay Hay'adda Amniga Maraykana (National Security Agency - NSA).
Tuhunaa sheegaya in barnaamijkaa laga helay yarkii u baxsaday dalka RUUSH-Ka. Magaca virus tan waxay isticmaalaysaa magaca WannaCry (Ma ooyi rabtaa). Wuxuu saamayn xoog badan ku yeeshay in ka badan 100 dal oo uu si aad u daran u saameyey dalka Ruushka, Ukraine & Taiwan. Waa virus cusub oo kuugu imanaysa hab email ah oo sida fariimo Qaansheegadyo ah, Shaqo lagu siinayo, digniino dhanka amniga la xidhiidha iyo waxyaabo kale oo adiga muhiim isaga kaa soo dhigaya. Fayrastan cusub ee WannaCry waa qaab ay lacag ku dalbanayaa kooxda samaysay.
Waxay guud ahaan xidhaysaa faylashada & macluumaadka computer ka ku jira, waxay u bedelaysaa hab aadan u helayn awood aad ku isticmaasho gabi ahaanba (Encryption). Waxay si ba'an weerar ugu haysaa barnaamijyada ay samaysay Microsoft ee Windows ka loo yaqaan. Haddiiba lala wareego computer kaaga waxaad ku garanaysaa: markaaba waxay furaysaa barnaamij kaa xidhaya computer oo ku siinaya tilmaamaha aad ku bixin karto lacag madax furasho ah oo ay dalbanayaan oo dham $300.
Waxay sidoo kale kuu soo ban dhigayaan laba fariimood oo ku qoran saacad hoos u tiri ah; fariinta koowaad wuxuu kuu qabanayaa 3 maalmood in aad ku bixiso lacagta, haddii aad bixin waydana in aad bixin doonto lacag libin laab ah $600; saacada kale waxay ku tusaysaa taariikhda si rasmi ah loo waayi doonno macluumaad kaaga haddii aad bixin waydo lacagta. lacagta waxaa lagu bixinayaa hab bitcoin ah.
WCry wuxuu sidoo kale saamayn ku yeeshay dalka UK kaddib markii Cisbitaaladii iyo goobihii caafimaadka lagu qasbay in ay ka baxaan goobaha shaqada iyo bukaanadii ay u shaqaynayeen markii ay awood u heli waayeen in ay isticmaalaan computers koodii, sida uu sheegay Barts Health Group oo maamula inta badan Cisbitaalada London.
Waxaa suaalo iyo canaan baddan ku socotaa wasiirka Caafimaad ka dalka Ingiriiska oo lagu eedaynayo sababta uu dagaalada lagu soo qaaday waaxda caafimaad ka waa hore u ogaan waayay si loo xakameeyo saamaynta Fayraska. Shirkada Kaargooga ee FedEx Corp ayaa iyana sheegay in qaar kamid ah computers kooda ku shaqeeya Windows ay fayras tani saamayn ku yeelatay.
Wasaaradda Gudaha & ta xaaladaha deg-dega ah ee Ruushka & Bangiga ugu weyn dalka Ruushka ee Sberbank ayaa sheegay in dhamaan la weeraray. Mareegta Wasaaradda Gudaha & 1000 computer oo kale ayaa dhamaan saamayn lagu yeeshay, waxayse sheegeen in la xakameeyey. Sannadkii 2015 ayay kooxo kuwan la mid ahi ku guulaysteen in ay $1 Bilyan ay kala baxaan 100 bank oo 30 dal ku yaal, sida ay xaqiijiyeen hay'addaha amaanka ee Ruushku.
Si aad uga hor tagto, isku day in aad update garayso Computer kaaga adigoo isticmaalaya Antivirus. Ka dheerow dhag siin ta lingaxyada aadan aqoon waxa ay yihiin. Isticmaal Pop-up Blocker si uu kaaga qabto waxyaabaha iska soo booda markaad internet ka mushaaxayso. Macluumaadkaaga muhiim ka ahna ka samayso Kayd, yaysan kaa oohin fayrastan WannaCry, hadda ogsoonow arday badan oo warbixinahoogii qalin jabinta (Thesis Report) qoraysay ayaa hawl u soo dhamaatay dib ka soo bilaabay markii dalka Taiwan si weyn ay u weerartay virus tani Jaamacadaha dalkaasi.
Tixgelin Xuquuqda Qoraalka Source:- . Abdirashid Ibrahim Abdirahman
Aragti xor ah oo qabyaaladda xor ka ah ayaan kula jeclahay

1 Comments
Nimankan american ka ah ayaa waxaas ka danbeeya oo raba inay caalamka khalkhal geliyaan.
ReplyDelete