QISSO AAD U CAJIIB AH OO KA DHACDAY EGYPT (MASAR)

Qisadani waa dhab waxayna ka dhacday waddanka masar  waxaan kasoo xigtey sheikh wahid abd-salam bali mid kamid ah khudbooyinkiisa.

wuxuu yiri: wiil dhallinyaro ah ayaa wuxuu daydayayey taxi si uu ugu qaado hooyadii dhakhtarka oo markaa xanuun yar dareemaysay ,taxi gii ayaa u yimi wuu saaray hooyadii waxayna u dhaqaaqeen dhinacii dhakhtarka ay markaas aadayeen.

waxayna u jeesteen dhinacii wadada in cabbaar ah markii ay socdeen ayuu wiilkii ka codsaday inankii waday taxi ga inuu istaajiyo gaadhiga si dhakhso ah ayuuna uga boodey gaariga wiilkii hooyadii ayuuna ka dareemay in xanuun kusoo kordhay markaas ayuu dawo u dooney si dhakhso ah.

intii uu wiilku ku maqnaa daawooyinka ayuu arkay inankii taxi laha ahaa inay islaanta ka muuqato calaamadihii geerida oo ay ku sugantahay xaaladeedii u danbaysay (subxaana allah),markaas ayuu wiilkii taxi laha ahaa islaantii u laqimay ashahaadii,(nebiga S.C.W waa tii uu yiri : waar maytidiinna u laqima ashahaadda, qofkii kelmadda laailaha illaa laah ay ugu danbayso carabkiisa jannadu ayuu galaa).
markii uu wiilkii taxi laha ahaa sidaas sameeyey ee uu u laqimay ashahaaddii ayay islaantii soo eegtay markaas ayay qiratey kuwana dhawaaqday islaantii kelmada laailaha  illa laah.

maxaa dhacay intaas ka dib?
waxaa soo galay wiilkii oo dawo la ordaya si uu hooyadii ugu geeyo ,laakin wuxuu usoo galay iyadoo dhimatey taxi ga dhexdiisii ,wiilkii ayaa naxay oo ooyay kadibna taxi lihii ayaa ku yidhi : ha u werwerin way dhimatey laakiin waxaan u qabtey shahaadadii.

YAA!! waar maxaad samaysay ?intuu aad u qayliyey ayuu ku yiri wiilkii taxi laha ahaa
haddana wuu qayliyey oo cod fasiix ah ku yiri :maxaad sidaa u samaysay miyaadan ogeyn inaanu nahay christian (masiixi)

wiilkii taxi lahaa ma hadlin laakin wuu ku farxay wuxuu sameeyey oo islaantaas ayuu daqiiqadihii u danbeeyey uu ka badbaadiyey naar oo uu ilaahay hanuun uga dhigay.

subxaana allah!!!!!!!!!!!!!

alle  ayaa hanuunka haya allah xaqqa ha ina waafajiyo ,khaatumadana khayr ha inoogu khatimo.

amen amen amen

{walal share garee}










Aragti xor ah oo qabyaaladda xor ka ah ayaan kula jeclahay

Post a Comment

1 Comments

Emoji
(y)
:)
:(
hihi
:-)
:D
=D
:-d
;(
;-(
@-)
:P
:o
:>)
(o)
:p
(p)
:-s
(m)
8-)
:-t
:-b
b-(
:-#
=p~
x-)
(k)