QISSADA ASAAAB AL-UKHDUUD (afsoomaali)


سورة البروج
 ASXAABUL UKHDUUD.

Asxaabul ukhduud waxay ahaayeen masiixiiyintii gobolkii NAJRAAN, iminkana waa gobol kamid ah boqortooyada sucuudiga ee xilligan, dadka ku dhaqan najraan waxay ahaayeen kuwo caabuda geedka timirta ka hor intii aysan u iman ama ku fidin diinta masiixiyaddu, illaa ay u timi diintaas oo ay ku 
qanceen.

Inay ku qancaan diinta masiixiyadda waxaa sabab u ahaa ninkii la odhan jiray ``FAYAMIYUUN``فيميون ,
fayamiyuun wuxuu ahaa nin wanaagsan oo u goay diinta , kana goay adduunyo, wuxuuna kamid ahaa 
dadkii raacnaa nabi CIISE cs ee deganaa deegaanka najraan.

Najraan waxay ahayd waqtigaas meel aad muhiim ugu ah isu socodka nooc walba khaasatan hayaankiiganacsiga ee mari jiray deegaanka, sidoo kale waxay raacsanayd saldanaddii dawladda 
.الحميريين ``XUMAYRIYIINTA`'

Boqortooyooyinkii hore ee yeman waxaa lagu yaqaannay inay gubaan magaalooyinka oo bililiqaystan, 

arrinkaasi dhexdooda wuxuu ka ahaa caadi iyo ku dayasho caado-dhaqameed.

Mar ayuu u jeestay oo uu ku duulay boqorkii yeman ka talin jiray ee ``DUU NAWAASS`` نواس دو
deegaanka DUFFAAR , (duffaar waxay hadda ka tirsantahay waddanka cummaan waxaana loo yaqaannaa al-lubbaan) wuxuu kala kulmay halkaas jab weyn xabsashidii ka talinaysay halkaas iyo dadkii la socdayba, magaalada duffaar ugu danbayn wuu qabsaday oo ay xabashi ka talinaysay wuxuu dumiyey kaniisaddii halkaas ku taallay, wuxuu haddana u jihaystay dhanka qabiiladii ASHAACIRTA 
wuxuu halkaas kaga dilay dad aad u faro badan, wuxuu haddana u jihaystay dhanka deegaanka , MUKHAN, wuxuuna halkaas ku burburiyey kaniisaddii halkaas ku taallay, xoolihii iyo wax kasta oo  yaaleyna wuu qaatay.

Wuxuu ahaa mid dumiya oo kharriba meel walba meel walba oo uu cagta dhigo illaa la yidhi dadka uu laayey waxay gaadheen in ka badan 13000 (saddex iyo toban kun) oo qof, marka lagu daro in badan oo kamid ah reer ASRAA,.

Duu nawaass wuxuu la wareegay dhamaan xoolihii deegaanaddii uu ku dagaallamay,markaas kaddib ayuu u jihaystay dhankaa iyo NAJRAAN , wuxuu halkaas kula kulmay oo la heshiiyey, caawimona ka dalbaday qabiilooyinkii 
KINDA,HAMADAAN,IYO MADXAJ, markaas ayay isu bahaysteen inay ka guulaystaan qabiilooyinkiireer najraan iyo xabashidii halkaas joogtay, way ka guuleysteen waxayna burburiyeen kaniisadii halkaas ku taallay, waxaa halkaas ku dhintay dad gaaraya illaa 12000(laba iyo toban kun ) oo qof,waxayna halkaas ku gubeen, 11000 (kow iyo toban kun) oo qof iyagoo ku guray god weyn oo ay dab 
ku shideen halkaasna ay dadka ku tuurayeen.

Godkii ukhduud


GUBITAANKII ASXAAB AL-UKHDUUD (SAAXIIBADII GODKA)



BAYZANDIINIYA (baysandiiniya waxay ahayd imbaraaduuriyad ka talinaysay 42 waddan oo 
maanta wada madax bannaan oo kuwo adduunka ugu quwadda wayn kamid ah,waxaana caasimad u ahayd QUSDANDIINIYAH, oo istaabuul loo yaqaanno hadda, waxay talinaysay sannadihii 395-550) , waxay kutubtooda si cad ugu qeexeen gubitaanka kooxdaas.

Buugtoodu waxay tilmaamaysaa in DAAMYANNAAS(duu namuus) iyo DUUNAAN oo kamid ah qowmka TUBBAC ee yemen degannaa oo kamid ahaa yuhuudda, in uu soo gaadhay war sheegaya in nin faafinaya diinta masiixiga uu dadka dhex wareegayo, reer najraanna ay jeclaadeen oo raaceen ninkaas , markaas ayuu faray in la qodo god aad u wayn oo lagu gubo lagana buuxiyo xaabo badan 
(WAA GODKA UKHDUUD LA DHEHO) si qof kasta oo raaca halkaas loogu rido looguna gubo 
godkaas, waana la yeelay sidaas uu dalbaday .

Waxaa kale oo qoraaladdaas baysandiiniyiintu tilmaamayaan in gobolada MA`RIB iyo XADRAMUUT
ee yemen ay ka jirtay dhacdooyin muujinaya qalbi adayga YUUSUF AAZAR oo samayn jiray inuu dumarka madaxa kaga shubo saliid kulul oo markaa dabka laga qaaday iyaga oo noloshooda caadiga ah ku jira , si uu ilaashado xukunka boqortooyadiisii xumariyiinta.

Kadib fashillo is xigay oo soo gaadhay boqor duu-nawaass , wuxuu boqorkii bayzandiiniyiintu ee JESTAIN ONE ama jestaynkii koowaad u istaagay inuu u diro ciidamo iyo quwad wayn si loo rido 
boqortooyada xumariyiinta, sidaas ayuuna ku riday JUSTAIN ONE boqortooyadaas gacantiisa 
ayuuna soo galay boqor duu-nawaas sannadkii 525 miilaadiga.

Taariikh yahannada qaar waxay sheegaan in masiixiiyiintu sii joogeen deegaanka najraan illaa qarinigii 9aad ee miiladiga (qarnigii 3aad ee hijriga ), taariikhyahannada qaar kalena waxay sheegen inay
joogeen llaa qarnigii 13aad ee miilaadiga.

Waxaan ka hadli doonaa dhanka diinta iyo asxaabul ukhduud inshaa allah.

 W/Q : Abdirahem saed duale


Post a Comment

0 Comments